Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wafdi ka socday Britain

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi uu hoggaaminayo la taliyaha dhinaca ammaanka u qaabilsan ra’iisul wasaaraha Britain David Camiron, Oliver Robbing Son.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia , madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada dal iyo hannaanka uu u dhicidoono shirka looga arrimaha Soomaaliya ee bisha soo socota ka furmaya magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Xasan Sheekh ayaa xukuumadda Ingiiriska uga mahadceliyay taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka London ay ka soo bixidoonaan go’aanno dhaxal gal ah.

Mr. Oliver Robbing Son ayaa sheegay in dowladda Ingiriiska gacan weyn ka geysan doonto mashaariicda horumarinta iyo amniga ee laga wado gudaha Soomaaliya, isagoo tilmaamay in shirka London ay ka soo qayb-galidoonaan dhinacayada lagu casuumay oo dhan.

Shirka toddobada bisha foodda innagu soo haysa ka furidoona magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa la filayaa in looga hadlo waxayaabihii laga dhaqan galiyay qodobbadii ka soo baxay shirkii bishii February ee sanadkii hore ka dhacay London.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com , midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here