Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay safiirro

Xasan SheekhMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah safiirrada waddamadooda u fadhiya Caasimada  Muqdisho iyo diplomaasiyiin caalami ah.

Afhayeenka madaxweynaha Eng Cabdiraxmaan Yariisow oo ka hadlay Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in kulankaas looga hadlay arrimo badan, oo ay ka mid tahay xaaladda dalka, shirka 16-ka bishan ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium iyo shirkii dhowaan magaalada Addis Ababa ku yeesheen ergo ka socotay dowladda iyo maamulka Jubba ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe.

Eng Yariisow wuxuu sheegay in madaxweynaha uu uga warbixiyay danjirayaasha iyo diplomaasiyiinta joogay kulanka in uu shirkaas ku dhammasday is-afgarad iyo guul.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in uu ka codsaday beesha caalamka inay taageeraan natiijadii shirkii Addis Ababa.

Afhayeenka madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in uu madaxweynaha kulankaas ka sheegay in beesha caalamka ay gargaar siiso shacabka ku dhaqan gobollada Jubbooyin gaaar ahaan Kismaayo  g iyo Gedo.

Madaxwaynaha ayaa ugu dambeen wuxuu diblumaasiyiinta warbixin ka siiyay shirka 16-ka bishan ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium, isagoo sheegay in shirkaas dowladda ay la tagi doonto ajandayaal dan u ah Soomaaliya si looga faa’ideesto fursadaha beesha caalamaha ay u heeso Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here