Madaxweyne Xasan Sheekh oo kula kulmay magaalada Kampala madax ka tirsan caalamka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay xafladii lagu maamuusayay sanad guuradii kontonaad ee ka soo wareegtay xurnimada dalka Uganda ayaa kula kulmay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda qaar ka mid ah madaxdii ka qeybgashay xafladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ahayd markii ugu horeysey ee uu safar dibada ah ku tago tan iyo markii loo doortay madaxtinimada dalka Soomaaliya ayaa madaxdii uu la kulmay uu kala hadlay sidii wadamadaas ay ugaga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo horumarinta dalka Soomaaliyeed maadaama labaatankii sano ee la soo dhaafay dalka aysan ka jirin dowlad rasmi ah.

Haddaba waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa sawiro ku saabsan kulamadii uu madaxweynuhu la yeeshay madaxdii ka qeybgashay xafladii sanadguurada kontonaad e xornimada dalka Uganda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here