Madaxweyne Xasan Sheekh oo kula kulmay Kampala Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda wuxuu kula kulmay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankan waxa uu ugu faahfaahiyey jaaliyada soomaaliyeed ee dalka Uganda qorshaha dowlada cusub iyo siyaasada ay dalka ku maamuli doonto.

Madaxweynuha waxa uu sheegay in ahmiyada ugu horeysa ay siin doonaan dhinaca ammaanka iyo soo celinta kala dambaynta ayna sidoo kale ku dadaali doonaan sidii cadaalad dadka loogu maamuli lahaa loogagana hortegi lahaa musuqmaasuqa.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu u sheegay boqolaalkii ruux ee ka qeybgalay kulankan in ay ka shaqeyn doonaan sidii dib loogu soo celin lahaa imkaaniyaadkii shacabka lagama maarmaanka u ahaa.

Kulankan ayaa waxaa ka hadlay qaar kamid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Uganda waxayna sheegeen inay soo dhoweynayaan dowlada cusub ee ka dhalatay Soomaaliya ayna taageerayaan.

Dadkii ka qeybgalay kulankan waxaa ka mid ahaa boqolaal ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Uganda waxayna ardaydu ballanqaadeen inay dib ugu soo laaban doonaan dalkooda marka uu u dhamaado waxbarashada ayna muddo hal sano si mutadawacnimo ah ugu shaqeyn doonaan shacabkooda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu maanta kulan la yeesho madaxweynaha dalka Uganda Musaveni isagoo madaxweyne Xasan Sheekh uu ka mid ahaa madaxdii lagu martiqaaday ka qeybgalka xaflada sanadguurada kontomaad ee ka soo wareegtay xornimada wadanka Uganda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here