Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu magaalada adis abab ee caasimada dalka Ethopiya uu kaga soo qeeyb galay dabaal daggii sanadguuradii 50aad ee ka soo wareegatay aas-saaska ururka Midowga Afrika iyo shirkii 21aad ee Madaxda midowg afrika.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socdo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Shiiq Cismaan “Jawaari”Ra,iisul wadaaraha Xukuumada Soomaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo xubno ka tirsan labada gole.

Madaxweynaha J.F soomaaliya oo la warbaahinta kula garoonka ayaa ka war bixiyay safarkii uu ku tagay magaalada adis ababa,waxana uu sheegay in midowg afrika ay u dabaal dageen sanad guuradii 50aad ee ka soo wareegatay aas-aaska ururka,

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in shirkii 21aad ee madaxda midowga afrika looga wada hadlay waxa u qabsoomay midowga afrika 50kii sano ee la soo dhaafay iyadoo sidoo kale laga wada hadlay qorshaha 50ka sano ee socota.

Madaxweynaha ayaa sido kale ka war bixiyay go,aankii ay urur goboleedka IGAD ku gaareen in dowlada soomaaliya ay shir dib u heshiisiin ah ku qabato magaalada muqdisho,waxana madaxweynaha uu uga mahad celiyay urur goboleedka IGAD Go,ankaasi,

Madaxweyne Xasan Shiiq Maxamuud ayaa sheegay in dowlada soomaaliya ay nabad la dooneeyso dadka ku dhaqan gobolada Jubbooyinka.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here