Madaxweyne Xasan Sheekh oo canbaareeyay dilkii loo geestay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xasan Sh. Maxamuud ayaa cambaareeyay dilkii xaq dar ada ahaa ee loo geystay mid ka mid ah Xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed  Mudane Xaaji Mustafa Maxamed Cabdullahi oo ka mid ahaa xubnaha Barlamaanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoskii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay masuul qaran.

Madaxweynaha ayaa hay’adaha amniga ku war galiyay in ay dardar-galiyaan sugida amniga, asagoo sidoo kalana hoosta ka xariiqay muhiimada amingu ku leeyahay qorshe siyaasadeedkiisa si looga hortago dilalka guracan ee markasta loo geesto shacabka iyo masuuliyiinta qaranka.

Ugu dambayn, waxuu Madaxweynahu alle uga baryayaa Xildhibaan Mustafa Maxamed Cabdullahi in uu janadi rabi ka waraabiyo, samir iyo iimaana ka siiyo eheladii uu ka tagay.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilaahi Raajicuun

– Dhamaad –

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here