Madaxweyne Xasan Sh oo cambaareeyay weerraradii ka dhacay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa aad u dhaleeceeyay weerarkii argagixiso ee maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho, Argagixisadda ayaa weerar ku qaaday xarunta gobolka Banaadir iyo maxkamadda gobolka.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhamaan ehelada shacabkii ku geeriyooday weerarka foosha xummaa oo ay argagixisadu ku soo qaadeen shaqaale dowladeed oo aan waxba galabsan. Wuxuuna yiri “waxaan ilaah uga baryaa in uu janadii fardawsa ka waraabiyo eheladii ay kabexeen’na samar iyo iimaan ka siiyo. Aamiin Aamiin.”

“ Anagu horay ayaan u soconaa, laakin cadawga Soomaaliya iyo kan Bani-adam ka ayaa isku dayayo in uu naga hor istaago horumarka. Waxaan rabaa in argagixisadda Al Shabaab Al-Qaaeda ay ogaadaan in Soomaaliya horumarka iyo nabadda aysan ka hor istaagi karin koox yar oo argagixisa ah” ayuu yiri Madaxweynaha.

“ Weerarkani wuxuu muujinayaa in cadawgii looga guuleystay oo laga qabsaday dhamaan goobihii muhiimka ahaa ay kula lahayeen Soomaaliya.”

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. Allah u naxriisto dadki maskiinta ahaa e waxba galabsan allaha samir iyo iimaan ka siiyo, kuwi ka dambeeyay illaah ayaa ka jaasinayo, al shabaab iyo al qaacida aduunka wax u yaalo ma jirto aaqirana cadaab; allaha naarta ku jiido Osama Bin Ladi!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here