Madaxweyne Xasan Sheekh oo Booqday Bolo International Airport Qaybta Ethiopia Airlines (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasab Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku tagay Garoonka diyaaradaha ee Bole qeybta cilad bixinta iyo tababarada Itoobiya Airlines.

Booqashada waxaa Xasan Sheekh Maxamuud ku wehlinayay wasiirka arimaha Dibada Soomaaliya Marwo Fowziyo Yuusuf , Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi iyo Xildhibaan Faarax ahna agaasimaha madaxtooyada Qaranka.

Xasan sh marki uu tagay Garoonka waxa sharaxaad dheer ka siiyay madaxda Garoonka, iyagoo qeyb qeyb uga waramay iyo shaqada ay qabato.

Madaxweynaha ayaa si wanaagsan ee ula dhacay sharaxdaada laga siiyay qaabka shaqada ee Garoonka iyo Diyaaradaha Itoobiya ay leedahay.











LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here