Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo safarkiisii ugu horeeyey dibada ugu ambabaxay dalka Uganda

Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhoofay garoonka dayuuradaha ee magaaladda Muqdisho isagoo kusii jeeda magaalada Kampala dalka Uganda.

Ujeedada safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in ay tahay casuumaad loo fidiyey ee ah ka qeybgalka xaflada sanad guurada 50-aad ee xoriyada dalka Uganda.

Hase ahaatee kahor inta uusan ka bixin Muqdisho ayuu saxaafada lahadlay waxaana uu sheegay in inta uu kusugan yahay dalkaas uu la kulmi doono Madaxda Beesha Caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo inta uusan ka ambabaxin garoonka Aden Adde airport la hadlay saxaafada ayaa sheegay in inta uu joogo dalka Uganda uu la kulmi doono qaar kamid ah madaxda ka qeybgalaysa xaflada maalinta xoriyada dalka Uganda.

Booqashada uu ku tegeyo madaxweyne Xasan sheikh dalka Uganda ayaa ah tii ugu horeysey ee uu dalka ugaga ambabaxo tan iyo markii uu ku guuleystey doorashada madaxweynaha dalka Soomaaliya tobankii bishii hore.

Hase yeeshee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu dhowaan soo booqday  magaaloyinka Baydhabo iyo Beledweyne oo kamid ah magaaloyinka ay gacanta ku hayso dowlada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here