Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo kula qaatay duqeyda dhaqanka iyo waxgaradka gobolka Hiiraan magaalada Beledweyne

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kulamo kula yeeshay magaalada Beledweyne qeybaha kala duwan ee bulshada, duqey dhaqameedka iyo waxgaradka gobolka Hiiraan.

Kulankan ayaa ka dambeeyey kadib markii maanta ay gaareen magaalada Beledweyne wafdi uu horkacayo madaxweyne Xasan Sheekh kuwaas oo u kuurgalayay xaalada nololeed ee dadka ay waxyeelada ka soo gaartay daadadka ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay bulshada gobolka Hiiraan inay muujiyaan iskaashi iyo midnimo waxana uu ugu baaqay inay taageeraan dowlada Soomaaliyeed ee aan kumeelgaarka ahayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqashadan ay ahayd tii labaad ee uu ku tago gobol ka mid ah dalka Soomaaliya oo xorteynteeda ay gacan ka geysteen ciidamada Ethiopia ayaa sidoo kale waxa uu la kulmay saraakiisha hogaaminaysa ciidamada Ethiopia iyo kuwa Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne.

Daadad ku dhuftay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sababay geerida soddon ruux iyo in ay kumanaan ruux ka barakacaan guryahoodii magaalada Beledweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here