Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu ka qeyb galay munaasabada xusayay 50 guuradii ka soo wareegtay xoriyada dalka Uganda.

Madaxweynaha oo kula hadlay saxaafada markii uu ka soo degey garoonka dayuuradaha ayaa waxa uu sheegay in mudadii uu joogay dalka Uganda uu kulamo la yeeshay madaxda wadamada Ugand iyo Kenya, waxana uu madaxweynuhu sheegay in madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni ay ka wadahadleen arrimah ammaanka iyo la dagaalanka Alshabaab,

Prof Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay Taliyaha ciidamada xoogga dalka General C/qaadir Sheekh Cali Diini, agaasimaha hay’adda nabad sugida Axmed Macalin Fiqi iyo mas’uuliyiin kale.

Booqashada uu ku tegey madaxweynaha dalka Uganda ayaa waxa ay ahayd tii ugu horeysey ee uu ku tegey dalka dibadiisa tan iyo markii loo dhariyey madaxtinimada dalka Soomaaliya.

 

 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


1 COMMENT

  1. Madaxweyne ayaa la soo dhaweyay. Muwaadiniin masaakin ahna aduunka ayaa laga masaafuriyay. Yaab! Aaway dowlada yeyse dowlad u tahay? hadii cawaan kasta iney darees u soo xeraan eey dhagta ugu sheegaan cidanka qaranka ayaa tahay. Cadaaladii aaway uu balan qaday inuu umada ku dhaqayo xasan shiiq. Maxkamad hasoo taago askarigii geystay falkii wuxuushnimada ahaa maanta. Haduu daacad yahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here