Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa oo gaaray Japan

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa manta gaaray magaalada Tokyo ee caasimadda dalka Japan, iyadoo madaxda dalkan ay si weyn ugu soo dhoweeyeen garoonka diyaaradaha ee Narita.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga la socda ayaa ka qeyb-galaya shir gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya kaasi oo bari oo Jimca ah ka dhacaya magaalada Yokahama ee dalkaasi.

Wafdiga madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoona sii maray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Shirka jimcaha dhacaya  waxaa si wadajir ah u guddoomin doona madaxweynaha J.F Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysul wasaaraha Japan.

Shirka oo looga hadli arrimo ay ka mid yihiin kobcinta dhaqaalaha,fursadaha waxbarasho ee dhallinyarada, horumarinta adeegyada bulshada iyo xasilloonida dalka ayaa dhacaya maalin ka hor furitaanka rasmiga ah ee shirka Tokyo ee caalamiga ah ee horumarinta Afrika (TICAD).

Japan ayaa ka mid ah dalalka soo celiyay xiriirka diblomaasi ee taariikhiga ahaa oo uu la lahaa dalkeena Soomaaliya.

Dowladda Japan ayaa horaantii sanadkan Toshihisa Takata u soo magacawday danjiraha cusud ee fadhiya dalkeena soomaaliya.

Shirka Japan wuxuu daba-socdaa shirkii bishan May Ka Dhacay Magaalada London ee arrimaha Soomaaliya, waxana la filaya in bisha September uu midowga yurub qabto shir deeq loogu ururinayo dalkena soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka qeyb gali doona shirka dalalka warshadaha ku horumaray ee G8 oo ka dhacaya magaalada London 15-ka bisha soo socota ee June, waxayna noqonaysaa markii ugu horreysay oo madaxweyne Soomaali ah lagu casuumo shirka wadamada G8ka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here