Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Wafdi La Socda Oo Gaaray Dhuusamareeb

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda ayaa waxa ay gaareen degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud, iyada oo ay socoto soo dhaweynta wafdigaan.

Madaxweynaha ayaa ka amba baxay magaalada Muqdisho, iyada oo degmada Dhuusamareeb ay kusoo dhaweeyeen maamulka gobalka Galgaduud, Odayaal dhaqameed iyo siyaasiin.

Saacadaha soo aadan ayaa madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu kulamo la yeelan doonaa Odayaasha dhaqanka degmada Dhuusamareeb, waxaana safarka madaxweynaha uu ku tagay Dhuusamareeb uu noqonayaa kiisa Sedaxaad.

Safarkii ugu horeeyay madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii uu xilkaasi qabtay uu ku tagay degmada Dhuusamareeb ayaa ahaa 10-kii February 2015, waxaa xigay safar kale oo degmadaasi uu ku tagay 24-kii March ee isla sanadkaan, maantana waa 8-da April 2015.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here