Madaxweyne Xasan Sh oo Fariin Raali Gelin Ah U Diray Imaaraadka

Xasan ImaaraadWakaalada Wararka Soomaaliya u faafisa ee Sonna, ayaa waxaa lagu daabacay warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Xasan Shiikh, kaasoo u muuqday mid lagu raali gelinayo Doowlada Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Xasan, ayaa maalmo kahor ka hadlay Heshisi shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta ay la gashay maamulka Somaliland kuna saabsan maamulka Dekeda Berbera, Madaxweyne Xasan ayaa heshiiskaas ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Warsaxaafadeedka shalay kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Xasan, ayaa u muuqday mid uu ku raali gelinayo Imaaraadka, waxaana qoraalka uu yahay mid si aad ah loogu amaanayo Dooraka imaaraadka ee arrimaha Soomaaliya.

Halkan ka aqriso warsaxaafadeedka:

http://sonna.so/2016/09/25/madaxweynaha-soomaaliya-oo-ka-mahadceliyay-taageerada-imaaraadka/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here