Madaxweyne Xasan oo qiray Mushaar la’aanta Ciidamada Haysata

ib0a9779Madaxweynaha Dowladda Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qiray dadaalka ciidamada Dowladda ay ugu jiraan suggida ammaanka Magaalada Muqdisho si looga hortaggao weerarada Al Shabaab.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay habeen iyo maalin ciidamada inay taagan yihiin qoraxda iyo qabowga, isaga oo sheegay in dadaalkaasi muuqda ee ciidanka ay sameeyeen ay tahay arin wanaagsan.

“Ilaahay mahaddiisa waaye, ammaaanka inta aan soo gaarney ilaahay ayaa mahad ku leh, saacaddaan caawa saqdii dhexe Lix saac inaan gobolka Banaadir joogno, oo diplomas-iyiinta caalamka qaarkood ay nala joogaaan oo kalsoonidaasi lagu joogo waa horumar iyo nimco ilaahay ina siiyey, annagane isku kalsoonaanno oo isku amaanno inta dambena aan dhameystirano, waxaa mahaddaasi leh dabcan dowladda federaalka oo caasimadda saldhig u tahay iyo maamulka gobolka Banaadir oo uga sii hooseeyo oo taladii haya oo suurtageliyey in waxaasi ay dhacaan ayaana mahadaasi u noqoneysaa iyo ciidamadeena amniga oo habeen iyo maalin taagan qabowga, roobka iyo qoraxda intaba, waxay mudan yihiin inaan ku faanno oo u aqoonsanno iney yihiin geesiyadeena” ayuu yiri Madaxweynaha

Iyadoo ay jirto dadaalkaasi ciidamada ay ugu jiraan suggida ammaanka Magaalada Muqdisho, ayaa dhinaca kale waxaa xusid mudan in ciidamada ay yihiin kuwa aanan mushaar qaadan.

Ciidamada Booliska ayaa maalmo ka hor qaatay hal Bil Mushaarkooda, xilli ay ka maqneyd dhowr bilood, sidoo kale ciidanka NISA wax mushaar ah weli ma aysan qaadin, halka Millateriga 6 Mushaar la’aan ay ahaayeen.

Duruufta kala duwan ee ciidamada ay ku shaqeeyaan ayaa xilliyada qaar waxa ay sababtay ciidamo Dowladda ka tirsan inay dhac ka geystaan wadooyinka Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here