Madaxweyne Xasan oo ku celiyay in ismaamulka Soomaalida ay Itoobiya kamid tahay

XasanIsagoo wareysi gaar ah siinayay Telefishinka Horn Cable ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh, waxa uu ka hadlay arrimo badan, isagoo qodobka ugu xasaasin uu ka mid ahaa dhulka deegaanada Soomaalida degto ee ay heysato Itoobiya, halkaasoo todobaadkii hore uu booqasho ku tagay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in booqashada uu ku tagay Jigjiga ay ka dambeysay casuumaad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, hadii uu ka heli laheyn uusan tagi laheyn sida uu yiri.

“Dabcan dowladda Dhexe ee Itoobiya ayaa casuumaad iyo martiqaad noo fidiyay, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa martiqaadkaas noo fidiyay, dowlad deegaankaas waa dowlad ka tirsan dalka Itoobiya”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in uusan aaminsaneyn in la carqaladeyo nabada ka jirta deegaankaas, isagoo xusay in dadka raba inay xoreynayaan aanay cudur daar laheyn.

“Hal mid oo mbar’ nay cadahay ayaa rabbi, dadka noloshooda cida carqaladeyneysa cudur daar ma lahan, horumarka iyo wanaaga aan halkaas ku soo aragnay maanta cida dhaheysa waa xoreyneynaa ma raacsani, mana ayidsani in la carqadeeyo, cidii ra’yi siyaasadeed qabta nabad haki cabiraan, dadka dalkaas xoreynayaa wax aan aqbalsanahay ma ahan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay oo ku saabsaneyd waxa uu ka aamisan yahay dhulka Soomaalida Itoobiya iyo halganka ay ugu jirto Jabhada ONLF.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqday Madaxweynihii u horeeyay oo Soomaali ah oo taga dhulka Soomaalida Itoobiya degto, waxaana dad badan ku dhaliileen inuu u xalaaleeyay dhulkaas dowladda Itoobiya oo waxyaabihii dagaalkii 1977 u bilowday ay qeyb ka aheyd dhulka Soomaali Galbeed ee ay xoogga ku heysatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here