M/weyne Xasan & Wasiirada Arr/dibada Kenya & Ethiopia oo Kismaayo gaaray

 

448x299x45.jpg.pagespeed.ic.VXA29ZpVVQ
Madaxweynaha Soomaaliyda mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba, halkaas oo ay maanta ka dhacayso xaflad lagu lagu caleemo saarayo baarlamaanka Jubbaland.

Sidoo kale wasiirrada arrimaha dibadda Kenya iyo Itoobiya ayaa goor-dhow gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wufuuddan kala duwan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba oo uu ugu horreeyo madaxweynaha maamulkaas, Sheekh Axmed Madoobe.

Ammaanka guud ee magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay; iyadoo lagu soo rogay xayiraad qaar ka mid ah dhaqdhaqaqqyadii waddooyinka gudaha Kismaayo mara, halkasoo lagu arkayo ciidammo fara badan oo isugu jira kuwa maamulka iyo AMISOM.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa horay ugu sugnaa wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin Xaaji Cumar Cameey oo maalin ka hor gaaray halkaas, isagoo sheegay inuu u tagay Kismaayo ka qayb-galka caleemo-saarka guddoonka baarlamaanka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here