Madaxweyne Xasan oo Ka jawaabay in Lataliyihiisa Shabaab Xiriir la leeyahay

xasan1

Madaxweynaha Somalia Hassan Sheikh Mohamud ayaa sheegay in uusan jirin ruux kudhow isaga oo xiriir laleh Alshabab si sharci daro ahna uweeciya hubka dowlada Somalia oo Alshabab gacanta laga saaro ,waxaana madaxweynuhu uu beeniyay in uu lataliye isaga uusan u ahayn nin dhawaan kooxda Monitoring group ay ku eedeesay in uu hubka gacanta kasaaro Alshabab.

Madaxweynaha Somalia ayaa kajawaab celiyay warbixin dhawaan ay soo saartay kooxda dabagalka qaramada midowe uqaabilsan Somalia iyo Eretria taa oo muujineesay in hubka iyo rasaasta ciidamada dowlada Somalia loo weeciyo suuqyada furan laguna iibiyo ,halka dowlada somaliyana horaan ay balanqaaday in dhacdooyinkaasi oo kale aysan dhici doonin.

“Ninka aad ugu yeerteen Musa ,ma’ahan ruux kashaqeeya xafiiskeyga lataliyana ii ah ,waxaana jeclaan lahaa in kooxda Monitoring ay cadeeso in Musa uu abid kamid noqday xubnaha xafiiskeyga kashaqeeya” ayuu madaxweyne xasan usheegay televisonka France 24. 

Warbixinta dhawaan UN-monitoring kasoo baxday ayaa lagu sheegay in Haji Mohamed Ganjab  oo ganacsade ah islamaarkaan sidoo kale ah taliye dhanka madaxweynaha Somalia uu kulug lahaa weecinta hubka Somalia,balse sida ay qoreesa wakaalada wararka ee Reuters madaxweynaha Somalia ayaa arintaa beeniyay waxa uuna hoosta kaxariiqay in saraakiil xafiiskiiisa kashaqeesa aysan xiriir lalaheen Alshabab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here