Madaxweyne Xasan oo gaaray magaalada Jowhar

jowharJOWHAR — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar, halkaasi oo uu ka socdo shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa waxaa uga sii horreeyay magaalada xildhibaano iyo wasiiro ka soo kale jeeda labada gobal ee maamulka loo sameynayo.

Madaxweynaha ayaa laga filayay in uu Jowhar tago shalay, balse ka baaqday.

Waxaa maanta la filayaa inuu ku dhawaaq in uu furan yahay shirka iyadoo mudo sagaal bilood ah uuhakad ku jiray kadib markii ay ka soo horjeesteen qaar ka mid ah Ugaasyada Gobalka Hiiraan.

Shirka ayaa maalmihii u dambeeyey u muuqday mid dar dar ku socda waxaana la filayaa in maamul lagu dhiso ka hor inta aysan Soomaaliya guda gelin doorashooyinka heerka federaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here