Madaxweyne Xasan oo gaaray Delhi-Sawiro

a9fc7719 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu horkacaayo, ayaa waxay galabta gaareen Magaalada New Delhi e Xarunta India.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa waxay kaga sii gudbeen India, oo lagu wado in Madaxweynuhu uu shir kaga qaybgalo.

Shirkan, ayaa waxaa lagu wadaa inay yeeshaan dalalka Afrika iyo India, waxaana noociisa lagu sheegay mid ay labada dhinac iskaashi kaga yeelanayan arrimaha ganacsiga.

Shirka, ayaa maalinta Khamiista ka furmi doono Caasimadda India, waxayna Somaliya ku soo bandhigi doontaa iskaashiga ganacsi, ay la yeelan karto India.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaasi waxa uu la kulmi doonaa Ra’iisal Wasaaraha India, Narendra Modi.

2aea6cd8 2f1aad17 4a19bfd4 6f9a544c 966e4351 1111711 07413062 12622026 ba5f1fc1 c0be7a99

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here