Madaxweyne Xasan oo Furay Shirka Maamul Usameynta Seddexda Gobol

madaxweyne_xasan_baydhabo16

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu si rasmi ah maanta ufuray Shirka maamul usameynta Seddexda Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in ay ku rajo weyn yihiin shirkaasi in lagu soo dhiso Hogaankii Maamulka Seddexda Gobol ee K/Galbeed Soomaaliya.

Ergo tiro badan oo ka kala socda Seddexda Gobol Shabellaha Hoose,Bay iyo Bakool ayaa waxay kusugan yihiin shirka ka socda Baydhabo waxaana todobaadyo gudahood la filayaa in lagu soo dhiso hogaanka Maamulkaasi.

Hore waxa Magaalada Baydhabo ujoogay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo deegaan ahaan kasoo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool iyadoo maanta Madaxweyne Xasan iyo Xubno katirsan Dawlada ay tageen Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here