Madaxweyne Xasan oo darajada Sareeyo Guuto u dalacsiiyay sarkaal horay uga soo goostay al-shabaab

sheegoowMadaxweynaha Doowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa darajada Sareeyo Guuto shalay u dalacsiiyay sarkaal horay uga soo goostay ururka argagixisada Al-shabaab.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Maxamuud Xaaji Axmed Cali oo ku magac dheer Sheegow waxaa uu ka mid ahaa amiirada Alshabaab ee hore ugaga qeybgalay dagaalo badan oo ay dagaalyahanada Alshabaab ugaga soo horjeedeen dowlada Soomaaliya, hase yeeshee dhamaadkii sanadkii 2012kii ayuu General Sheegow oo wata ciidamo ka soo jeeda beesha Shiidle ee degta gobolka Sh/dhexe waxa ay ka soo baxsadeen ururka Alshabaab iyagoo isu soo dhiibay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Jeneral Sheegow ayaa xilligaasi lagu abaalmariyay derajada Gaashaanle sare isagoo ka mid noqday ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Hase yeeshee waxaa shalay goob fagaare ah lagu soo bandhigey Jeneraal Sheegow oo ay u xiran tahay darajada Sareeye Guuto.

Jeneral Sheegow ayaa ka qeybgalay dagaalo badan oo ay ciidamada dowlada kula wareegeen degmooyin kamid ah gobolada Sh/hoose,Sh/dhexe iyo gobolo kale. Mana aha markii ugu horeysay ee derejooyin sarsare ay ka gaaraan ciidamo ka soo goostay ururka Alshabaab, waxayna qaarkood haatan ka mid yihiin saraakiisha sarsare ee ciidamada Nabadsugida.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegaya in dalacsiinta Sareeye Guuto Sheegow ay ku timid qancinta beesha Shiidle oo dhowaan carro ka muujisay xubnaha ay ka heshay maamul goboleedka Hirshabeelle iyadoo illaa iyo hadda xilalka ugu sareeya maamulka Hirshabeelle ay yihiin kuwo ay haystaan mas’uuliyiin ku abtirsada beelaha gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here