Madaxweyne Xasan Sheekh oo cambaareeyay qaraxyada Boston

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay qaraxyadii shaley ka dhacay magaalada Boston ee Mareykanka oo ay ku dhinteen saddex qof,halka in ka badan 140 qof oo kalena ay ku dhaawacmeenW.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu isagoo ku hadlaya shacabka Soomaaliya uu uu tacsi u diray qoyska iyo saaxiibbada dadku wax ku noqday qaraxyada.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay qaraxaas uu ahaa mid fuleynimo ah oo argagaxiso ah ku tilmaamay qaraxyada, isagoo sheegay in lala beegsaday orodyahanno aan waxba galabsan iyo taageerayaashooda oo carruur ay ku jiraan.

Wuxuu sheegay in laga guuleysan doono kooxaha argagaxisada ee rabshadaha u adeegsada sidii ay ujeedkooda ugu gaari lahaayeen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qaraxyadaas ay la mid yihiin kuwii ka dhacay Axadii magaalada Muqdisho.

Ma jirto ilaa iyo iminka cid sheegatay mas’uuliydda qaraxa Boston.

Saraakiisha Maraykanku waxay ku tilmaameen fal argagixiso ah, waxaana uu noqonayaa weerarkii ugu weynaa ee noocaas ah ee lagu qaado dalkan Maraykanka tan iyo sanandkii 2011-ka kadib weerarradii lagu qaaday Xarunta Ganacsiga Adduunka ee New York iyo Pentagon-ka.

Madaxda caalamka ayaa cambaareeyay weerarkan. Wararkii ugu dambeeyey ee weerarka iyo warbixinno la xiriira halkan hoose ka dhageyso.

Dadka ku dhintay qaraxyada waxaa ku jira wiil siddeed jir ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay aqalka cad ee Mareykanka.

17 ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxyada ayaa laga deyrinayaa xaaladdooda, sidoo kale waxaa jira qaar ka mid ah dhaawacyada oo xubno ka mid ah jirkooda la gooyay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com