Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo tagay Jowhar

644350_10202373083198620_998807069_n

Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaa goordhow gaaray wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyo Wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi,wasiirka horumarinta adeega bulshada Drs Maryam Qaasim Axmed,qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka iyo xubno ka socday dowlada Turkiga.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Jowhar,waxana madaxweynuhu sheegay in uu u yimid si uu indhihiisa ugu arko dhibaatada uu dadka ku dhaqan magaalada jowhar iyo deegaanada ku xeeran uu u geeystay fatahaada uu sameeyay wabiga shabelle.

Madaxweynaha oo la hadlay dadka reer Jowhar ayaa sheegay in dowlada ay wax u qaban doonto dadka uu saameeyay fatahaada Wabiga Shabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here