Madaxweyne Xasan: Dagaalkii 77 qalad ayuu ahaa (Video)

Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegay in dagaalkii 77 ay Soomaaliya la gashay Itoobiya uu qalad ahaa
Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegay in dagaalkii 77 ay Soomaaliya la gashay Itoobiya uu qalad ahaa

Madaxweynaha Doowlada Federaaka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa dhawaan socdaal aan laga fiirsan ku tegay dhulka ay amxaarada Xooga ku haysato ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya, waxaana uu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee booqda halkaas.

Madaxweyne Xasan, ayaa intii uu booqashada ku joogay Jigjhiga, waxa uu halkaas ka jeediyay hadalo qalbi jab ku noqday dhamaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa waqooyi galbeed ee mudada ka badan 50ka sano u dagaalamayay Gobonimadooda.

Hadaba muuqaal dhawaan baraha bulshada lagu faafiyay, ayaa madaxweyne Xasan waxa uu sheegay in dagaalkii 77 qalad uu ahaa.

•Waxaa Iskoolka naloogu dhigi jiray dhull soomaaliyeed ayaa maqan ama la guumaystaa.

•Colaad been ah ayaa nalagu abuuri jaray” waxeey kamid ahaayeen hadalada Madaxweyne Xasan uu ka sheegay Jigjiga.

Halkaan ka daawo Muuqaalka:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here