Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay geeridi Males Zenawi

Madaxweynaha Somaliland Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa noqday hogaamiyihi ugu horeeyey oo Soomaali ah oo ka hadla geerida Ra’isulwasaare Males Zenawi.

Wareysi uu siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu ku sheegay in uu aad uga naxay dhimashada hogaamiyaha dalka Itoobiya oo xalay ku xijaabtay Belgium.

Siilaanyo ayaa ku amaanay Males Sanawi kaalinta uu kasoo qaatay amniga iyo siyaasada gobolka Geeska Africa, waxa kale oo uu sheegay in uu xiriir weyn kala dhaxeeyey labada dhinac.

“Waxaan dadka Itoobiya iyo dadka Geeska Africa uga tacsiyenayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Males Zanawi, wuxuu ahaa nin madax ahaa oo Africa door weyn ku lahaa gaar ahaan xaga amaanka, marka madiqada Geeska Africa waxay weysay hogaamiye qiima badan,” ayuu yiri.

Isaga oo qirayey sida ay isugu wanaagsanyihiin Somaliland iyo Itoobiya ayuu Mr. Siilaanyo sheegay in waligoodba uu xiriir fiican ka dhaxeeyey.

“Itoobiya aad ayey isugu wanaagsanaayeen Soomaaliland ilaa halgankii, waa wadanka ugu balaaran geeska Africa, mar walba wax baa neysu keen xeran dhan walba, siyaasada, ganacsiga iyo derisnimada iyo xaga nolosha marka waxaanu nahay dad aanan sinnaba u kala maarmeyn,” ayuu yiri.

Males Zanawi ayaa ku dhintay isbitaal ku yaala dalka Belgium kadib marki uu maalmahanba la jiifay xanuun ka haleelay caloosha kaasi oo aanan wali la shaacin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here