Madaxweyne Shiikh Shariif oo kulamo kula leh magaalada Addis Ababa R/wasaaraha Ethiopia Meles Zanawi.

Madaxweynaha  Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa  gaaray Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya iyagoo halkaasi kulamo kula yeelanayo madaxda dalka Ethiopia.

Booqasahada madaxweynaha ayaa la sheegay inay tahay mid katimid codsi uu u soo jeediyey R/wasaaraha Ethiopia iyadoo la sheegay in uu doonayo Zenawi inay labada dhinac ka wadahadlaan arrimaha ku soo kordhay siyaasada dalka Soomaaliya.

Wadahadalada labada hogaamiye ayaa u badnaan doona sidii laga yeeli lahaa qorshaha ku aadan in ciidamada Ethiopia ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolada Hiiran iyo Baydhabo loogu wareejin lahaa ciidamo ka socda AMISOM.

Dhowaan ayaa si rasmi ah loo shaaciyey in ciidamada Ethiopia ay ka bixi doonaan deegaanada ay gacanta ku hayaan isla markaana bisha soo socota la geyn doono ciidamo ka socda AMISOM.