Madaxweyne Shiikh Shariif oo ka qeybgalaya aaska madaxweynihii hore Cabdulahi Yuusuf Axmed

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa u anbabaxay magaalada Gaalkacyo si ay uga qeyb gallaan aaska qaran ee madaxweynihii horre ee Soomaaliya oo halkaasi lagu wado in loogu sameeyo.

Wafdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa ka mid ah Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaanno, saraakiisha ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya  waxaana xubnahan ay ka qeyb gali doonaan aas qaran oo magaalada Gaalkacyo loogu sameenayo Allaha u naxariistee madaxweynihii horre ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf.

Garoonka magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku sugan madax uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka Puntland oo wafdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda halkaasi ku sugaya, si ay uga wada qeyb qaataan aaska qaran ee madaxweynihii horre ee dalka.