Madaxweyne Shiikh Shariif oo booqday dhismaha Tiyaatarka oo shalay qarax ka dhacay.

Madaxweynaha Dawladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed iyo saraakiil ka tirsan dowladda KMG ah ayaa maanta booqday dhismaha Tiyaatarka Qaranka oo  shalay ka dhacay qarax geystay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawc.

Madaxweyne Shariif iyo xubnihii la socday  ayaa soo kormeeray qaybo kamid ah Tiyaatarka sida goobtii uu ka dhacay qaraxii shalay ee khasaaraha badan geystay iyo qaybaha kale ee Tiyaatarka.

Madaxweyne Shariif ayaa isagoo ku sugan goobtii uu qaraxa ka dhacay  sheegay in ay ka xun yihiin qaraxii shalay, waxaana uu dadweynaha magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay is dejiyaan isagoo ku dhowaaqay in guddo wasiiro ah loo saaray sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadka ku dhaawacmay qaraxan.

Madaxweynaha ayaa sheegay baaritaan dheeraad ah lagu samayn doono qofkii ka dambeeyey qaraxan oo ahayd gabar dhalinyaro ahayd.

Shiikh Shariif ayaa ku tilmaamay ururka Alshabaab kuwa aan nabad rabin waxana uu ugu baaqay shacabka inay hal meel ugaga soo horjeestaan ururka Alshabaab.

Qaraxii shalay ka dhacay Tiyaatarka qaranka ayaa waxaa sheegtay ururka Alshabaab, hase yeeshee afhayeenka Alshabaab Shiikh Cali Dheere ayaa ku tilmaamay qaraxa inuu ahaa mid ka dhashay miino hore loogu sii diyaariyey goobta uu qaraxa ka dhacay. Waana markii labaad ee uu afhayeenka Alshabaab ku macneeyo qarax ay geysteen dumar inuu ahaa mid goobta hore loogu sii diyaariyey.