Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo sheegay in Cafis loo Fidinayo Cidii kasoo laabata Burcad-badeednimada

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu cafis u fidinayo cid kasta oo kasoo laabata Burcad badeednimo.
Warsaxaafadeedka Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu sheegay iyadoo la eegayo todobaadka dabaaldaga Munaasabadaha Soomaaliya in Madaxweynaha dowladda uu cafis ballaaran u fidinayo cidii kasoo laabata falalka burcad badeednimada.

Madaxweyne Shariif ayaa ku sheegay warsaxaafadeedkiisa inuu balan qaadayo cidkasta oo kasoo laabata arrimaha Burcad badeednimada maalmaha 26-June ilaa 1-da Luulyo inuu u fidinayo cafis ballaaran.

Cafiska Madaxweynaha dowladda uu ku dhawaaqay inuu ufidinayo cidii kasoo laabata arrimaha burcad badeednimada ayaa kusoo aadaysa iyadoo magaaladaDubai ee dalka isu taga Imaaraadka carabta uu ka furmay shir looga hadlayo arrimaha burcad badeeda Soomaalida.