Madaxweyne Sheekh oo beeniyey inuu caro uga soo baxay shir hada ka socdo Nairobi

Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya war maanta soo baxay uu sheegayey inuu caro uga soo baxay shir saxiixayaasha roadmap-ka uga socdo Nairobi ayaa beeniyey arimahaasi.

Sheekh Sharif oo galabta Muqdisho soo gaaray isla markaana si weyn loogu soo dhaweeyey ayaa shir jaraa’id uu saxaafada u qabtay kaga hadlay sababihi uu uga soo baxay.

Wuxuu sheegay inuu uga soo tagay Nairobi balamo uu lahaa darteed isla markaana shirka uu si habsami leh uga socdo magaalada Nairobi.

“Een balamo aan lahaa ayaa jiray aniga, shirka inti ugu badnaana shalay ayaan galnay marka way ku filanyihiin madaxda hada u fadhido shirka,” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ay ka muuqatay inuu hoos u dhigayey carada uu shirka uga soo baxay.

Dhanka kale wuxuu ka hadlay kulan uu shalay kula yeeshay magaalada Nairobi xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Hilary Clinton, isaga oo sheegay in ay ka wada hadleen arimaha amniga, bani,aadanimada, siyaasada, iyo arrimaha bulshada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here