Madaxweyne Shariif u Hambalyeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Cusub

Madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya xilka loo doortay.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeenba ugu hanbalyeeynayo xilka cusub ee ay uqabteen umadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Professar Jawaari ayaa wuxuu sheegay inuu rajeynayo in Baaarlamaankani uu wax badan ka qabto howsha qaran ee loo igmaday.

Ugu dambeyntii Xarunta Iskuul Buluuziyo ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacday doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale ku xigeenadiisa waxaana taasi ay noqotay mid taariiq ku ah shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here