Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo booqasho ku tegey magaalada Cadaado.

Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka soo duulay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug waxaana goordhaw uu ka dagay garoonka dayuuradaha ee  magaalada Cadaado ee Maamulka Ximin iyo Xeeb

Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa booqashadan ay tahay tii ugu horeysey ee uu ku tago magaalada Cadaado ee hoos taga maamulka aan la aqoonsanayn ee Ximin iyo Xeeb.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kulamo kula yeesho magaalada Cadaado madaxda degmadaasi. Ammaanka magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa la adkeeyey kahor inta uusan soo gaarin madaxweyne Shariif

Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa la filayaa in sidoo kale uu booqdo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyadoo dhawaan uu sheegay guddomiyaha gobolka Hiiraan in madaxweyne Shiikh Shariif uu booqasho kutegi doono magaalada Beledweyne oo dhowaan ay ciidmada Ethiopianka iyo Soomaalida ay la wareegeen.