Madaxweyne Shariif oo xil ka qaadisti gudoomiyaha baarlamaanka ku tilmaamay mid lagu rabay in lagu fashiliyo dowlada KMG Soomaaliya

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa ku tilmaamay xil ka qaadisti ay 13-ki bishii December ku sameeyeen qaar ka mid ah xildhibaanada gudoomiyaha baarlamaanka mid lagu rabay in lagu kala qeybiyo dadka Soomaaliyeed laguna bur buriyo dowlada KMG.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa ku yaala madaxtooyada ayuu ku sheegay in gabi ahaanba uu ahaa mid aanan sharciga ku dhisneyn kulanki ay Muqdisho ku yeesheen 13-ki bishi tagtay ilaa iyo 283 mudane oo ku yeshiiyey in ay xilki ka qaadeen afhayeenka baarlamaanka.

Wuxuu ku eedeeyey xildhibaanada in ay iska indha tireen heshiiski Kampala ee dhigayey in madaxda ugu sareyso dowlada aanan laga keeni karin wax mowshan ah, sidaasi daraadeedna aanan la aqbali karin go,aanki xildhibaanada.

Shariif Sheekh Axmed ayaa xaqiijiyey in baarlamaanka lagu sameyn doono dhimis iyo dib u habeyn taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii magaalada Garoowe ee dhinacyada siyaasada Soomaalida.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey dhamaan umada Soomaaliyeed iyo ciidamada ajnabiga ah ee ku sugan dalka sanadka cusub isaga oo u rajeeyey inuu sanadkaan ka dhigo sanad nabad iyo barwaaqo u ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.