Madaxweyne Shariif oo maanta ka qudbeynaya shirka Golaha Amaanka

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada New York ee dalka dalka Mareykanka ayaa maanta la kulmi doono xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu ka jeediyo Shirka Golaha Amaanka qudbad uu kaga warbixin doono xaaladaha xaga amniga ee ka taagan xiligaan dalka Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Ambashador Cilmi Ducaale ayaa u sheegay wariyaasha in Sheekh Shariif sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doono madax ka tirsan caalamka iyo safiirada dalalka qaar.

Inta uu ku guda jiro safarkiisa Mareykanka waxaa sidoo kale la rajeynayaa inuu la kulmo jaaliyada Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.

Safarka Madaxweynaha ee dalka Mareykanka ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah kuna soo aaday xilli uu sii dhamaanayo waqtiga dowlada KMG Soomaalia.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.