Madaxweyne Shariif Oo lakulmay Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed‏

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta la kulmay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo ka cabanayay guddiga farsamo ee soo xulista baarlamaanka oo ay ku eedeeyeen inay qorteen xildhibaano aysan ayagu u gudbin.

Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo ka mid ahaa Odayaasha dhaqanka ee madaxweynaha la kulmay ayaa sheegay in caqado ay kala kulmayaan guddiga TSCC-da, wuxuuna yiri:-

“Nimankaan (TSC) annaga culeys ayay nagu haayaan, xildhibaano annagu aanan qorin ayay iska qorteen, oo meel ay ka keeneen aan la aqoonin, kuwo dadka iyo dalka aan dambi ka galin oo karateeriyada aan ka hor imaan waa la iska soo celiyay, arrimahaas wax badan ayaan kala hadalnay dowladda oo aan sheegnay wax jawaab ahna wali nagama aysan siinin”.

“Kulamo badan oo waxba ayan ka jirin ayay mar walba noo qabtaan, halkii ay ku xaroodeena way ka soo bixi waayeen, arrintaas waxaan leenahay in la fududeeyo, beesha caalamkana waxaan u sheegeynaa nimanaakaas masuuliyadda ay qaadeen inaysan kaliya ahayn ee mid ka sii sareysa ay ku darsadeen”.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in aan la aqbali karin in la carqaladeeyo hannaanka nabadda, isla markaana la isticmaalo awood aan sharci ahayn oo lagu hor istaagayo qorshaha dowladnimo.

“Waxaa nasiib darro ah in dad aqoonyahan ah oo loo xulay inay ka qeyb qaataan dib u shiska Soomaaliya ay awooddii la siiyay isticmaalaan awood ka badan, inay ka shaqeeyaan waxyaabo dalka dhibaateynaya, inay ka shaqeeyaan waxyaabo dadka Soomaaliyeed shaki iyo mugdi kala gelinaya aad ayaan uga xun nahay, nabaddaan dadna waa u dhintay dadna waa dhaawacmay, dadna habeen iyo maalin ayuu u soo jeeday, rag waqti kooban jooga inay fowdo abuuraan waa wax nasiib darro ah, dambi ka weynna ma jiro hannaanka dowladnimo in la carqaladeeyo” ayuu yiri madaxweynuhu.

Ugaas Maxamed Bashiir Ugaas Xasan oo kulanka ka hadlay ayaa madaxweynaha u sheegay in lagu wargaliyay inay ka guuraan hoteelladii ay degganaayeen, taas oo uu sheegay in odayaasha ay ku adagtahay maadaama uusan wali dhammaan qorshihii loo keenay ee ahayd in la dhiso dowlad Soomaaliyeed oo dhammeystiran.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in kaalintii odayaasha dhaqanku aysan wali dhammaan, lana doonayo in odayaashu ay horumuud u noqdaan barnaamijka dib u heshiisiineed ee dowladda cusub, marka ay dhammeystiraan xulitaanka Baarlamaanka doorashaduna ay dhacdo. Wuxuu uga tacsiyeeyay hadalka soo gaaray ee ah inay guryaha ka baxaan.

“In sidaa u joogtaan la idiin yimaado ee la idin yiraahdo guryaha ka baxa, oo la idin yiraahdo maqaayaddu waa idinka xiran tahay, arrintaasi arrin dhaqan ah maaha, arrin la isku ogyahayna maaha, arrin aan aqbaleynona oo na qabatana maaha, cidii sameysana waa lagula xisaabtamayaa hadduu Alle idmo” ayuu yiri madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here