Madaxweyne Shariif oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay soo nooleynta iyo kobcinta Fanka Soomaaliyed [Sawiro]

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta Dugsiga Tababarka Jeneraal Kaahire ee School Polizio kaga qeyb galay kulan looga hadlayay soo nooleynta iyo kobcinta Fanka Soomaaliyed, kaasoo ay soo qaban qaabisay Hey’adda wada tashiga iyo Cilmi baarista ee CRD.

Kulankan oo ay ka qeyb galeen, Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowladaha Arrimaha Gudaha, Taliyaha Booliska, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidamada, Madaxa Xarunta wada tashiga iyo cilmi baarista CRD Jabriil Ibraahim Cabdulle, Qeybaha bulshada iyo 140-Fanaaniin ka socday Hobolada kala duwan ee ka jira Caasimada Muqdisho.

Ugu horeyn waxaa kulankan ka hadlay Agaasimaha Waaxda Fanka ee Wasaarada Warfaafinta Abwaan Cabdi Dhuux oo sheegay in kulankan uu yahay mid looga wada tashanayo sidii dib loogu soo nooleyn lahaa fanka Soomaaliyed, isagoo uga mahad celiyay Hey’adda CRD dadaalka ay u gashay.

Abwaan Cabdi Dhuux ayaa sheegay in dhowaan Tiyaatarka Qaranka lagu qaban doono Ruwaayadii u horeysay oo halku dhigeedu yahay Dar daaran Waayeel,kaasoo boorka Ruwaayada lagu soo bandhigay goobta.

Xildhibaan Cabdi Cabdulaahi Xaashi oo horay u ahaa Maareeyihii Golihii Murtida iyo madadaalada ee National Theatre ayaa sheegay in kulankan muhiim u yahay soo nooleynta fanka, isagoo xusay in fanaaniinta ay noqdeen kuwo qeyb bur buray, hase ahaatee waxaa uu ku ammaanay Hey’adda CRD sida ay muhiimad u siisay fanaaniinta, iyo farashaxaniistayaasha caanka ah oo uu sheegay in farshaxankii weynaa Yariisow oo todobaadyo ka hor xaalkiisa liitay, labo todobaad gudahood noloshiisa caadi ku soo laabatay, markii ay Hey’adda shaqo siisay, isla markaana qeyb ka ahaa farshaxaniistayaal sawiray Boorka Ruwaayada loogu magac daray Dardaaran waayeel.

Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo isgaarsiinta C/qaadir Maxamed Xuseen Jahweyn ayaa ka hadlay ahmiyada uu fanka u leeyahay bulshada, marka loo eego dhinaca wacgelinta iyo hanuunita Bulshada, waxaana uu uga mahad celiyay CRD dadaalka ay dib ugu soo noolneyso fanka, gaar ahaana waxaa uu xusay in xiriir soke iyo wada shaqeyn ay hey’adda la leedahay Wasaarada Warfaafinta.

“Sida la socotaan dalka markii uu bur buray waxaa wehliyay Fanka Soomaaliyed, dhaqankii iyo suugaantii waa naga baaba’een, hada waxaa noo muuqata rajo, in la isu yimaado fanka iyo fanaaniintii, hal abuuradii iyo suugaantii dib loo soo nooleeyo”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo cabiray muuqaalka boorka ruwaayada inay muujineyso Midnimada Umada, dadka iyo dalka uu lahaa.

Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo Fanaan horay ahaa ayaa hees ka mid ah heesihiisa hore ka qaaday Xaflada, isagoo ugu baaqay Dowladda inay gacan ka geysato sidii loo sii deyn lahaa Fanaanka Jiimi Sheekh Muumin oo ku xiran Magaalada Hargeysa, isagoo si gaar ah Wasaarada Arrimaha Gudaha uga codsaday.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyed. Jen. Shariif Sheekhuna Maye ayaa sheegay in maanta rajo cusub oo dib lagu soo nooleynayo Fanka iyo dhaqanka Soomaaliyed qiimaha uu u lahaa bulshada, isagoo ka codsaday Fanaaniinta inay soo alifaan, iyagoo fikradooda isticmaalaya suugaan dadweynaha ka dhaadhicinaya wanaaga uu leeyahay amniga, in dadweynaha ay ku wacyi gelinaya qiimaha nolosha u leedahay Nabada.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ugu dambeyn ka hadlay kulankan wada tashiga ee dib lagu soo nooleynayo Fanka Soomaaliyed ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid taariikh ah, isagoo ka tacsiyadeeyay dhibaatadii adkeyd ee soo martay Fanka Soomaaliyed.


“Shaki kuma jiro qaranka meel aad iyo aad u weyn inaad uga taaliin Fanka iyo fanaanka suuban xaalada dhabta ah ee la soo maray iyo daruufihii jiray waa uga tacsiyadeynayaa, cid kasta oo gacan ka geysata waa uga mahad celinayaa oo ay ku jirto CRD, runtii Soomaaliya Fanka horumar aad u weyn ayuu ku soo kordhiyay”ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maanta loo aqoonsado maalinta Fanaaniinta la xiso, isagoo ka dalbaday ka qeyb galayaasha, inay ku waafaqaan sida uu yiri.

“Maanta waxaa dhihi lahaa in laga dhigo maalin la xuso Fanka iyo fanaaniinta, inaad igu waafaqdiin, 5-bisha Febraayo teeda kale soo socoto aan u dabaal degno”ayuu sii raaciyay Madaxweynaha oo 5-Febraayo u aqoonsaday maalinta Fanka iyo Fanaaniinta la xuso.

Sidoo kale Madaxweyne Shariif ayaa balan qaaday inay adkeyn doonaan horumarinta Fanka iyo fanaaniinta, isagoo cadeeyay in Dowladda KMG ay u taagan tahay sidii ay gacan uga geysan laheyd soo nooleynta Fanka, waxaana uu si gaar ah u xusay inay Ahmiyad siinayaan Fanaaniinta.

“Balan qaadkii loo sameeyay fanaaniinta Soomaaliyed in la meel marin doono, inaan idin adkeeyo in horumarinta Fanka iyo Fanaaniinta inaan u taaganahay, balan qaadkii horay u dhacay waa daba taaganahay, saakaya u dambeysay Wasiirka Warfaafinta waxaa ka wareystay arrintii Fanaan Cabdi Tahliil meesha uu marinayo, sidoo kale arrinta Tiyaatarka, waxaan rajeynayaa dhowr bilood kadib in Tiyaatarka uu diyaar ahaado, waliba inteena inuu naga badan doono”ayuu sii raaciyay Madaxweynaha.

Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale si gaar ah u xusay in Wasaarada Warfaafinta ka nasiib badan tahay Wasaaradaha kale, isagoo soo hadal qaaday wasiiradii horay u soo maray, inay kala nasiib fiicnaayeen, waxaana uu sheegay in Wasiirkii hore uu kiciyay Radio Muqdisho, kii ku xigayna uu Telefishinka Qaranka kiciyay, isagoo Wasiirkan cusubna sheegay in nasiibkiisa noqdo mid Tiyaatarkii qaranka dib u kiciya.

Kulankan looga hadlayay soo nooleynta iyo kobcinta Fanka Soomaaliyed ayaa ku soo beegmaya kulankii 21-kii October sanadkii 2011 ka dhacay Golaha Murtida iyo madadaalada National Theatre oo bilow u ahaa soo nooleynta Fanka Soomaaliyed.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.