Madaxweyne Shariif oo goor dhow gaaray degmada Afgooye

Madaxweynaha dowladda soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa goor dhow oo galabta ah gaaray magaalada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo ammaanka inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye si aad ah loo adkeeyay.

Sida wararku sheegayaan Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyagoo jidka dheer ee Muqdisho iyo Afgooye maray.

Ciidamo fara badan ayaa lagu daadiyay wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo ciidamada ay taagnaayeen jidadka, ammaankana uu ahaa mid si aad ah loo adkeeyay

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa iminka ku sugan Beerta Shiikh Zaa’id, halkaas oo 29-kii bishii hore uu tagay, kulana kula qaatay qeybaha bulshada iyo saraakiisha ciidamada.

Hase ahaatee booqashadiisa labaad ayaa u muuqata mid ka duwan tii hore, maadaama uu xilli casir liiq ah booqasho kedis ah ku tagay Afgooye, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in caawa laga yaabo in Madaxweynaha ku hoydo Afgooye.

Warar ku dhow dhow Madaxweynaha ayaa sheegaya in arrinta ugu weyn ee uu dib ugu laabtay Afgooye tahay sidii khilaaf dhinaca maamulka oo ka taagan degmada iyo falal amni daro ah oo dadka deegaanka ka cabanayeen.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay dhac baahsan ka wadeen degmada, dadka rayidka ahna ay dhibaatooyin u geysanayeen.

29-kii bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Madaxweynaha xilli uu ka soo laabtay degmada Afgooye jidka loo galay kolonyadii uu la socday, iyadoo Shabaab oo weerarkaas sheegtay ku tilmaameen mid ay doonayeen inay ku qaarijiyaan.