Madaxweyne Shariif oo cambaareeyey dilki Xasan Fantastic

Madaxweynaha dowlada FKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku biiray codkiisa qeybaha kala duwan ee bulshada ee cambaareeyey dilki wariye Xasan Cusman Cabdi oo xalay kooxo hubeysani ku dileen Muqdisho.

Qoraal saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in madaxwyenaha uu aad uga murugeysanyahay dilki macna darada ahaa ee loo geystay Hassan Osman Abdi (Fantastic).

“Tani waa masiibo aad u xun oo ku dhacday dhamaan qoyska Xasan iyo bahda saxaafada Soomaaliya, waxaan jeclaan lahaa in aan tacsi u diro qoyska iyo asxaabta uu ka baxay saxaifga,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Sharif ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay ka caawiyaan hey’adaha amaanka sidi loo baari lahaa kiiska wariye Fantastic oo sidoo kale ahaa agaasimaha Radio Shabelle.

Waxa kale oo lagu yiri qoraal saxaafadeedka kasoo baxay madaxweynaha in ficilada ceynkani oo kale ah ay caan ku yihiin ururka Al Shabab oo qatar ku ah amaanka iyo xasiloonida dalka waa sida uu warka u dhignaaye.

Gabagabadi madaxweyne Shariif ayaa ugu duceeyey wariye Fantastic inuu naxariistii Janno ka waraabiyo.

Xasan Fantastic waxaa toogasho ku dilay laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa kuwaasi oo 7 xabadood kaga dhiftay qeybaka kala duwan ee jirkiisa, waxaana maanta lagu aasay qabuuraha Baqdaad ee degmada Wadajir.

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.