Madaxweyne Shariif oo amray in si dag dag ah wax loogu qabto fanaanka dhaawacan ee Cabdi Tahliil Warsame

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya, Sheekh Sahriif Sheekh Axmed ayaa marki ugu horeysay ka hadlay dhaawac laba maalin ka hor magaalada Muqdisho loogu geystay fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Cabdi Tahliil Warsame.

Qudbad uu xalay ka jeediyey munaasabad lagu xusayey sanadguuradisi sadexaad ee marki uu qabtay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, ayuu Sheekh Shariif kusoo qaaday xaalada Al fanaan Cabdi Tahliil.

Wuxuu sheegay Mr Shariif in uu ka war helay Fanaanka in uu dhaawacanyahay, xilli uu ku ogaa xanuun horay u hayey mudo fara badan, waxaana uu ku amray wasaaradaha Warfaafinta iyo Maaliyada in ay si dhaqso ah u garab istaagaan.

‘Waxaan la sconaa in Cabdi Tahliil mudo xanuunsan, wuxaa nagu maqaala ah inuu dhaawaacnyahay marka waxaa wajaib nagu ah in fanaankeena qaaliga ah aan wax u qabano, waxaan ku amrayaa wasaaradaha maaliyada iyo warfaafinta in ay dag dag wax uga qabtaan arinta Cabdi Tahliil Warsame,”

Cabdi Tahliil ayaa ku dhaawacmay is risaaseyn ka dhacday banaanka gurigiisa taasi oo ay ku lug lahaayeen ciidamo ka wada tirsanaa dowlada KMG Soomaaliya.

Al Fanaan Cabdi Tahliil ayaa ka mid ah fanaaniinta ugu caansan Soomaaliya, waxaana lagu xasuustaa heeso aad u macaan oo isugu jira wadani, jaceyl, guubaabo iyo kuwo ka hadlayo dhaqanka oo uu ku luqeeyey.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.