Madaxweyne Shariif: “Maanta wixi ka danbeeya Al Qaacida waxaan u aqoonsanahay gumeysi”

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay in maanta wixi ka danbeeya dalka Soomaaliya looga aqoonsaday ururka Al Qaacida gumeysi.

Hadal uu ka jeediyey munaasabad ka dhacday xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayuu madaxweynaha kaga hadlay xaalada dalka iyo horumarka ay hiigsaneyso Muqdisho iyo dowlada KMG Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya aysan yeeli doonin gumeysi kale, isaga oo shacabkana ka codsaday in ay meel uga soo wada jeestaan Al Qaacida oo uu ku tilmaamay gumeystaha cusub ee dalka.

“Maanta wixi ka danbeeya Al Qacida waxaan u aqoonsanahay gumeysi kusoo duulay dalkeena waana in aan iska dhicinaa, umada Soomaaliyeed wax badan ayaa la isku dayey in la hagardaameeyo, waxay soo martay gumeysi iyo dhib badan mana ogolaaneyno gumeysi danbe, cidi isku daydo waan la dirireynaa,” ayuu yiri.

Munaasabadi maanta ayuu maamulka degmada Wadajir ku wareejiyey dowlada KMG Soomaaliya guryihi hore ee dowlada taasi oo qeyb ka ah barnaamij ay dowlada maalmahi lasoo dhaafay kula wareegeysay dhismooyinka qaranka.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya maalmo kadib marki Al Qaacida ay ku dhawaaqday in ay la midowday ururka Al Shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.