Madaxweyne Shariif: “In aan la dagaalano Al Qaacida waa waajib diini ah”

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu bur buray ururka Al Shabaab, laakin uu Soomaaliya ku xoogeysay ururka Al Qaacida.

Qudbad uu xalay ka jeediyey xeritaanka shirka Garoowe 2 ee magaalada Garoowe ayuu madaxweynaha sheegay in waajibaadka hor yaala madaxda dowlada iyo kuwa maamulada dalka ay yihiin la dagaalanka Al Qaacida.

Mr. Shariif ayaa carabka ku dhajiyey in la dagaalanka Al Qaacida uu yahay waajib diini ah iyo mid wadaniyadeed si buu yiri loogaga xoreeyo dalka Soomaaliya.

“In dalka laga xoreeyo Al Qaacida waa waajib diini ah iyo waajib wadani ah, dowlada waxaa laga rabaa in qof walbaa ay ilaaliso amaankiisa, sharafkiisa iyo maalkiisa,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale soo hadal qaaday shirka London iyo shakiga ay Soomaalida ka qabto.

“Dad badan oo Soomaali ah ayaa ka shakisan shirka London, waxay leeyihiin waxaa kasoo socda balaayo laakin taasi waa been, Soomaaliya waa dowlad xor ah diyaarna uma ahan in ay dib u laabato xiligaan, waxaan leeyahay shirka London waxaan u aragnaa wax wanaagsan,” ayuu yiri.

Madaxweynaha iyo dhamaan wafdiga dowlada KMG Soomaaliya ayaa lagu wadaa  in ay maanta ku laabtaan magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.