Madaxweyne Shariif ” Farmaajo dadka ma aqoon, hantina ma heysan, anigaa keenay”.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudooyinkii u danbeeyay olole siyaasadeed ka waday wadamada Yurub ayaa la sheegay in uu damac ugu jiro doorashada Madaxweynenimo ee dhici doonto bisha Agousto, hadii ay suuragasho.

Dhawaan ayuu Farmaajo ugu dhawaaqay magaalada Den Haag ee wadanka Holland Urur Siyaasadeed kaasi oo 30-ka bishan lagu dhawaaqi doono si rasmi, iyadoo khubadii halkaasi ka jeediyay uu si aan leex leexad laheyn ugu weeraray Madaxda Dowladda, wuxuuna ku tilmaamay kuwo aan heysan aqoontii maamul iyo midii siyaasadeed.

Md. Farmaajo wuxuu siyaasadda ku dhex jiraa in ka yar Hal sano, hadaba Madaxweyne Shariif ayaa sharxaya shaqsiyada Farmaajo iyo sidii uu kusoo galay siyaasadda dalka iyo cidii gacanta ku siisay xilka Ra’iisul Wasaarenimo.

Halkan ka dhageyso Khudbada Shariif.