Madaxweyne Sharif: Xukuumada wax saameyn ma yeelaneyso mar hadii Ra’isulwasaaraha uu murashax yahay

Madaxwenaha waqtigiisu sii dhamaanayo ee Dowlada KMGS Shariif Sheekh Axmed ayaa ka shanqariyey in Golaha Wasiirada ay dhacday awoodoodii mar hadii Ra’isulwasaaraha uu isa soo sharaxay.

Sheekh Shariif  shir jaraa,id ku qabtay kadib marki uu kasoo laabtay magaalada Maka Al Mukarama ee dalka Sacuudiga ayaa ka jawaabay go,aano kasoo baxay Golaha Wasiirada oo diiday magacaabisti madaxweynaha uu aqoonsaday degmooyin dhowr ah oo ku yaala Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wuxuu ku tilmaamay Golaha Wasiirada in ay dhaceen marki hadii uu wasiirkii koowaad ee xukuumada uu musharax yahay, waxa uu intaasi raaciyey in aysan wax shaqo ah ku laheyn wareegtooyinka kasoo baxa xafiiskiisa.

“Marka ugu horeeya degmooyinka magacaabistooda waxay soo martaa nidaam, waxaa soo diyaarisa wasaarada arimaha gudaha kadib xafiiskeyga ayaa loo soo gudbiyaa, kadib wixi wanaagsan waa la magacaabaa wixi aanan loo arkin in ay ku haboonyihiin magacaabis waa la dhaafaa, marka Golaha Wasiirada shaqo kuma lahan, waligoodna shaqo kuma laheyn, marna hadii Ra’isulwasaraha uu madaxweyne isu soo sharaxa xukumada waxay noqoneysaa mid dhacday,” ayuu yiri.

Dhanka kale wuxuu ka hadlay madaxweynaha safar uu ku tagay dalka Sacuudi Carabiya oo uu kaga soo qeybgalay shirka dalalka Islaamka, kaasi oo looga hadlay arimo u badnaa xaalada Suuriya.

Shirka wuxuu ahaa mid aan caadi aheyn waxaa ugu weynaa Syria iyo dowladaha Islaamka ee wali u baahan in gacan la siiyo, iyo in dhiiga Muslimiinta aanan lagu daadin mabaadi,da Shiicada iyo Sunniga,”

Warka madaxweynaha ayaa u muuqda mid si toos ah ugu socda Ra’isulwasaare Cabdiwali oo biyo hoostooda ka mucaaradayo Sheekh Shariif, hase yeeshee qilaafkooda ayaanan noqon doonin kuwo saameyn leh sababo la xiriira dowlada KMG ah oo dhicitaankeedu ka dhimanyahay shan maalin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here