Madaxweyne Sharif: Waxaan ahay musharax xilka madaxweynaha dowlada soo aadan

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u taaganyahay xilka madaxweynaha doorashooyinka lagu wado in lagu qabto dalka bisha August.

Sheekh Shariif oo lasii saadaalinayey inuu damac kale oo weyn oo madaxtinimo kaga jiro dowlada rasmiga ah ee Soomaaliya, ayaa sheegay inuu rabo inuu maamulo dalka afar sano oo kale.

Dowlada KMG ayaa waqtigeedu dhamaan doonaa bisha August ee soo aadan, waxaana xiligaasi kadib la qaban doonaa doorashooyinka baarlamaanka iyo kan madaxweynaha.

“Waxaan rabaa in aan iclaamiyo hadii aad iga ogolaataan, waxaan rabaa in aan isu soo taago musharaxnimada xilka madaxweynaha,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Sharif ayaa noqon doona madaxweynihi ugu horeeyey ee dowlada KMG Soomaaliya, isaga oo xilka kala wareegay madaxweynihi hore C/laahi Yusuf Axmed.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.