Madaxweyne Sharif: “Wallaahi Suma Wallaahi hadii aad ka bixi waysaan iskuulada aad degantihiin….)

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa digniinti ugu danbeysay siiyey dadka degan xarumaha dowlada iyo iskuulada ku yaala magaalada Muqdisho kadib codsiyo dhowr ah oo uu jeediyey labadi sano ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Sharif ayaa dhaar ku maray in uu u gudbin doono mashaariic ay dowlada heyo oo wax loogu qabanayo iskuulada Muqdisho gobolada dalka hadii aysan dadka ku jiro guryaha iyo iskuulada ka bixin.

“Wallaahi Suma Walaahi, Suma Walaahi hadii aad ka bixi weysaan Iskuulada aad dagantihiin ee sharci darada ah, gobolada dalka ee u baahan mashaariicda ayaan geyn doonaa fursadaana waad qasaari doontaan,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday madaxweynaha dadka degan ee guryaha ka dhigtay xarumihi hore ee dowlada in ay ka baxaan oo aysan waqti dheer sii daganaan.

“Xarumihi dowlada dad baa waqti badan iska dagan waa hanti qaran, hantiada qaran qofna ma isticmaali karo, tusaale ahaan saldhiga booliska waxaa loogu tala galay taliyaha iyo askartiisa, wasaarada waxbarashada waxaa loogu tala galay wasaarada laakin waa la dagay, 20 sano ayaan soo joognay dadku waxay halmaameen dowladnimadi, iskuulada dadka haka baxaan waayo waxbaa lagu baran lahaa,” ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Hadalka madaxweynaha ayey markaan dad badan dhowrayaan natiijada ka dhalan doonto, waxaana la saadaalinayaa in markaan dad badan laga saaro guryihaha dowlada ee ay mudo badan dagan yihiin.

Kadib marki ay dhacday dowladi hore ee Soomaaliya mudo 21 sano ah kadib ayaa waxaa si sharci darro ah lagu dagay guryo ay leeyihiin dad masaakiin ah oo dalka ka qaxay iyo xarumihi hore ee dowlada.

Sadexdi sano ee lasoo dhaafay dowlada waxay ka bixiyey dad badan xarumo muhiim ah oo ay daganaayeen, hase yeeshee wali waxaa jira meelo badan oo ay dadku ku harsanyihiin oo isugu jiro goobo ay leedahay dowlada iyo meelo ka wada dhaxeeyo mutamaca.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.