Madaxweyne Sharif: Uma xayirnaaneyno baarlamaan laba u kala qeybsan

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmd ayaa si xoog leh u weeraray baarlamaanka kala qeybsan ee uu waqtigiisu haatan sii dhamaanyo.

Qudbad dheer oo uu shalay u jeediyey ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayuu u sheegay baarlamaanka KMG ah in ay ogolaadaan in waqtigoodii dhamaaday isla markaana qaataan is badalka sida uu yahay hada.

Wuxuu sheegay in ay bixiyeen dadaal badan oo ku aadan wadada nabada iyo gogol xaarka dowlada cusub ee Soomaaliya yeelan doonto, balse qaar badan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ay fahmi la,yihiin.

Madaxweynaha ayaa carabka ku dhajiyey in ay qasab tahay in lasoo doorto baarlamaan cusub kaasi oo ay soo dooran doonaan gole odayaal oo ah madaxda qabaa’ilka si la mid ah baarlamaanka haatan waqtigiisu dhamaanayo.

“Ma baarlamaan laba gudoomiye leh ayaan u xayirnaaneynaa, uma xayirnaanyeo, waa in ay ogalaanayaan is badalka sida uu yahay, ma muuqatao dadaal badan ayaan ku bixinay wayna na fahmi waayeen, waxaa la yiri mudul ninki dhisay ayaa ka weyn, baarlamaanka marki hore waxaa ansixiyey ergooyin hadana waxaa ansixin doonta ergooyin, dadka isu imaan doono ee gaaraya 825 ruux weeye, waxaan dhan ee hada ku jira baarlamaanka waxaan leeyahay hadii ay doonaan ha qaataano kuraasta baarlamaanka, gudoomiyaha ha qaataan, madaxweynaha ha qaateen waxay doonaan ha qaateen laakin wax walbaa waa in aysan fowdo noqon oo xal lagu raadiyo,”

Hadalka madaxweynaha ayaa waxaa ka muuqday in isaga qudhiisa uu ku jiro damac siyaasadeed oo uu mar kale ku rabo inuu isugu soo sharaxo xilka madaxweynaha dalka Soomaaliya.

15-ka bisha May ee soo aadan ayaa lagu wadaa in la ansixiyo tastuurka cusub ee Soomaaliya iyadoo intaasi kadibna la gali doono habki loo soo xuli lahaa baarlamaan tiro yar.

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa waqtigeedu dhamaan doonaa bisha August ee soo aadan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.