Madaxweyne Sharif siduu u arkaa booqashadi Johny Carson

Madaxweynaha Soomaaliya Sharif Sheekh Axmed ayaa talaabo muhiim ah ku tilmaamay booqashadi uu maanta Muqdisho ku yimid Johny Carson oo ah kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada Mareykanka ee Africa.

Shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay ayuu Sheekh Shariif ku sheegay in booqashada Mr. Carson ay calaamad u tahay horumarka ay dowlada Soomaaliya ka gaartay dhinaca amaanka caasimada.

Shekh Shariif ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Carson howlgalada dowlada ka wado gobolada qaar, amaanka iyo sidi loo dar dar galin lahaa barnaamijka geedi socodka nabada ee Soomaaliya.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka ayaa booqashadi uu maanta ku yimid Muqdisho ka dhigtay sarkaalki ugu weynaa oo Mareykan ah oo Soomaaliya soo booqdo tan iyo bilowgii sagaashameeyadii.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.