Madaxweyne Sharif oo xiligaan booqasho ku marayo Afgooye

Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya ayaa kormeer ku tagay degmada Afgooye afar maalin kadib marki ay ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM halkaasi ka qabsadeen Al Shabaab.

Sheekh Shariif iyo saraakiil kale ayaa waxaa xarunta madaxtooyada ka galbiyey gaadiidka qafilan ee AMISOM iyo baabuur kale oo ah kuwa anay rasaastu karin, waxaana ay ka hor inta aysan tagin Afgooye horay usii mareen deegaanada loo barakacay.

Meelaha uu ku dagay madaxweynaha ee uu kormeeray waxaa ka maray waxaa ka mid ah deegaanka Ceelasha Biyaha oo uusan waligiis tagin tan iyo sidi loogu barakacay ee ay u noqotay magaalo weyn oo dhisan.

Sheekh Shariif ayaa halkaasi eegay oo la hadlay qaar ka mid ah shacabka uguna baaqay in ay nabada ka shaqeeyaan.

Waxa kale oo uu tagay deegaanada Lafoole, iyo Carbiska isaga oo si gaar ah u tagay fagaare ay Al Shabaab dadka ku toogan jireen mararka qaarna kula hadli jireen oo ku taala Carbiska.

Ugu danbeyntiina wuxuu gaaray degmada Afgooye isaga oo socod kasoo bilaabay buundada Afgooye, kadib marki uu meelo kala duwan oo degmada ah kormeeray wuxuu ugu danbeyntii tagay beer qurux badan oo ku taala degmada Afgooye.

Bertan uu haatan fadhiyo waa halki ay ku shireen sanadki hore saraakiisha Al Shabab ugu sareysa iyo kuwa Al Qacida xuski Osama Bin Laden, waxaana haatan ku sugan saraakiisha ciidanka dowlada iyo kuwa AMISOM oo uu warbixino ka dhageysanayo.

Wali waxaa halkaasi ka socda qudbadihi, hase yeeshee kormeerka ayaa wali socdo, iyadoo aan dib idinkaga soo sheegi doono wixi kusoo kordha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.