Madaxweyne Sharif oo xalay la casheeyey gudoomiyaasha degmooyinka Muqdisho


Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay xaflad casho sharaf ah u sameeyey gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Sheekh Shariif oo ay si cad uga muuqatay ololaha doorashada madaxweynaha ayaa waxaa hadal uu ka jeediyey ku amaanay gudoomiyaasha degmooyinka iyo duqa magaalada Muqdisho.

“Ujeedada xafladani waxay weeyaan in aan ugu mahad celiyo gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir doorka ay ka qaateen dib u dajinta iyo amaanka caasimada iyo kaalimaha kale ee wanaagsan ee ay ciyaareen,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday xaaladaha amaanka iyo horumarka ay dowlada ka gaartay arrimahaasi, isaga oo sheegay in marki hore ay Muqdisho aheyd meel aysan dowlada iyo madaxdeedu aysan tagi karin Isgoyska Xararayaale oo u dhaw madaxtooyada balse haatan qof walbo uu mari karo.

Wuxuu u mahadceliyey qurba joogta Soomaaliyeed ee dalka kusoo laabtay kuwaas oo uu ku amaanay horumarka ay haatan caasimada gaareyso in ay sal u yihiin.

Duqa Muqdisho oo isna hadal ka jeediyey goobta ayaa ku amaanay madaxweynaha is badalka uu dalka geliyey, isaga oo tusaale usoo qaatay sida ay Muqdisho aheyd ka hor inta uusan imaan iyo sida ay hada tahay.

Kulankaasi ayaa ahaa kii ugu danbeeyey ee uu madaxweynaha la qaato gudoomiyaasha degmooyinka Muqdisho isaga oo ah madaxweynaha Dowlada KMG, maadaama waqtiga dowladiisa ay ka hartay sadex maalin oo qura.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here